Maxay isku hayaan xubnaha guddiga heer federaalka?

Waxaa soo shaac baxay khilaaf ka dhex abuurmay guddiga hirgalinta doorashada heer federaal ee Soomaaliya, kadib markii ay isku qabteen habraaca doorashada xubnaha golaha shacabka.

Guddiga ayaa Talaadadii soo saaray habraac ka kooban 10 bog oo uu uga hadlay hannaanka loo marayo doorashada xildhibaannada 275 ah ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan habraaca khilaafka dhaliyay waxaa kamid ah in guddiga xulidda ergada doorashada ay noqdaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka oo meesha laga saaro kaalinta madaxda maamul goboleedyada.

Qaar kamid ah guddiga ayaa ku gaca-sayray habraaca, iyadoo ku tilmaamay in aan laga tashan.

Siciid Abshir oo ka mid ah xubna diidan qaabka loo faafiyey habraaca doorashada ayaa sheegay in qaar kamid ah xubnaha guddiga ay ku maqnaayeen Garowe iyo Baydhabo isla markaana aan laga talo-gelin habraaca.

"Ma diidanin habraaca ee waxaan diiddanahay in habraac aan waqtigiisa joogin si khaldan loo soo gudbiyo. Marka inaan sugno shirka uu ra'iisal wasaaraha magacaabay oo aan ku shaqeyno habraaca ka soo baxay waa wixii guddiga loo sameeyay," ayuu yiri Siciid Abshir.

Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka BJFS

Cabdisalaam Salwe oo mar ahaa agaasimaha xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in guddiga uu ku shaqeeyo heshiis siyaasadeed.

"Howsha uu Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban uu ku jiro waa tii loo igmaday Ra'iisul-Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo xafiiskiisa.

Mar kale ayuu guddigu ku degdegay howl aan u oollin sidaana waxay ku adkeeyeen howshoodii iyo tii Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha," ayuu Salwe ku qoray bartiisa Facebook.

Hase yeeshee waxaa feker kaa ka duwan qaba Adam Aw Xirsi oo ah wasiirkii qorsheynta ee Jubaland, kana faallooda arrimaha siyaasadda.

"Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay go'aannada ku gaarayaan cod hal dheeri ah," ayuu bartiisa Facebook ku qoray, isagoo soo xigtay habraaca lagu dhisay guddiga.

Sidoo kale Cabdi Xiis Udan oo ah guddoomiyaha maaliyadda guddiga doorashada heer federaal , kana soo galay Jubbaland ayaa warqad uu soo saaray isna ku diiday go'aanka guddiga, wuxuuna sheegay in laga hordhacay go'aankii golaha wadatashiga Qaranka ee ku aaddan arrimaha habraaca ku xusan.
Kulanka madasha qaranka

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban ra'iisal wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadit ayaa ku balansan kulan ay isugu tagaan Muqdisho Khamiista beri ah.

Kulanka ayaa "diiradda lagu saari doonaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa," ayaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
 

Doorashada golaha shacabka.

Doorashada golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka adkaato tii aqalka sare oo awood buuxda ay lahaayeen madaxda maamul goboleedyada.

Siyaasiyiin iyo dadka oddorosa siyaasadda ayaa maamul goboleedyada ku dhaliilay qaabka ay u maareeyeen doorashada aqalka sare oo la soo saaray 29 kamid ah 54 kursi ee uu ka kooban yahay golaha.

Xiggasho: BBC

Category