RH: Raisal wasaare Mette Frederiksen iyo gudoomiye Lars Løkke Rasmussen waxay hadal hayaan in la sameeyo dadaal badan si dadka Danmark u helaan caruur badan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabad hortaagan rabitaanka siyaasadeed ee ah in la helo muwaadiniin cashuur bixiyayaal ah mustaqbalka.
Sida ay muujinayso cilmi-baaris cusub oo ay sameysay Hay'adda Rockwool Foundation, taas oo wargeyska Politiken qoray Axaddii, dadka Danmark waxaa kusii kordheysa in ay doorbidayaan in aaney caruur dhallin.