Kismaayo (RH)-Diyaad siday rakaab ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in diyaaraddan ay ka timid magaalada Muqdisho, waxaana ay noqonaysa diyaaradii ugu horraysay ee sidda rakaab ee tegta magaaladaas ku dhawaad shan bilood kadib.
Tallaabadan ayaa daba socota iyadoo shaley dowladda federaalka ay fasaxday duulimaadyada magaaladaasi oo muddo xayirnaa.
Magaalada Dooloow ayaa isku xirta wadamada Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Radio Hormuud