Denmark: Nin Soomaaliya oo lagu qabtay Qaad

RH: Laba shandadood oo tareen saarnaa ayaa soo jiitay dareenka booliska habeen hore Waxaa ha xidhan nin 43 jir ah.

Padborg: Koox boolis ah ayaa waxyar kaddib 10-kii fiidnimo ee Axaddii waxay baaritaan ku sameeyeen tareenka ka imanayay Jarmalka oo marayay saldhigga Padborg. Markii ay askartu soo gaareen nin Soomaali ah oo watay laba shandadood, ayay ka shakiyeen waxa ku jira.

Waxaa jiray wax dhalliyey dareenka shakiga booliiska iyaga oo tuhmay in waxa shandadaha ku jira aysan sharci ahayn. Shakigii ayaa rumoobay markii baaritaan kadib laga dhex helay  shandadihii 37 kiilo oo maandooriyaha qaadka ah.

Ninka oo 43 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka ganacsanayey maandooriyayaal waxaana la geeyay saldhigga, halkaas oo hadda kiiskiisa lagu wado baaritaan dheeraad ah.

Category