
RH: Degmada Vejen ee dalka Denmark ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmeysay korodh weyn oo ku yimid dadka cusub ee halkaasi u guuraya, sida ay muujinayso tirakoob cusub oo ay soo saartay Region Syddanmark.
Sida lagu sheegay xogtaasi, sanadkii 2018 waxaa degmada u soo guuray 463 qof, halka sanadkii 2023 ay tiradaasi kor ugu kacday 526 qof – taasoo ah korodh dhan 14%. Waxaa intaa dheer in 30% dadkaasi cusub ay ka yimaadeen dalka Romania.
Henrik Pihl Jessen, oo ah guddoomiyaha guddiga shaqada iyo isdhexgalka bulshada ee degmada Vejen, ayaa si diiran u soo dhaweeyay dadka cusub. Wuxuu sheegay in ay jiraan qoysas badan oo reer Romania ah oo degmada soodegay, guryana ka iibsaday, caruurtoodana geeya dugsiyada iyo xarumaha xanaanada.
-
“Waxaan ogahay in dad badan ay halkan u yimaadaan shaqo darteed, gaar ahaan beeraleyda iyo nadaafadda. Balse sidoo kale, waxay qeyb muhiim ah ka yihiin bulshada guud ahaan,” ayuu yiri Henrik.
Wuxuu sheegay in uu isagu shaqaale ahaan uga faaideystay dadka Romanian ka ah oo aad u wanaagsan, gaar ahaan dhanka beeraha.
Sida ay muujinayso warbixin ka timid Danmarks Statistik, inta badan dadka Romanian ka ah ee Denmark ka shaqeeya, waxay ku jiraan laamaha nadaafadda, adeegga dhismayaasha, beeraleyda iyo dhirta lagu beero jardiinooyinka.
Henrik wuxuu xusay in baahida loo qabo shaqaale aysan yaraan, isla markaana dadkaasi ay kaalin weyn ka qaadanayaan daboolida baahidaasi.
-
“Shaqooyin badan ayay qabtaan, shirkado badanna waa u baahan yihiin. Dadkani waa xal muhiim ah,” ayuu yidhi.
Isagoo ka hadlayay la falgalka bulshada, wuxuu sheegay in qoysaska ajaanibta ah lagu dhiirrigelinayo in ay ka qeyb qaataan nolosha bulshada, gaar ahaan dhanka ciyaaraha iyo hawlaha isboortiga.
-
“Aniga oo tusaale u ah, caruurtayda waxay cayaaraan kubadda, isboortiga iyo spejderka, waananu ku faraxsanahay in waalidiin badan oo aan asal ahaan Danish ahayn ay qeyb ka yihiin hawlahaasi,” ayuu raaciyay.
🎤 Radio Hormuud – Warar sugan oo la isku halayn karo.
📻 La soco wararkeena mar walba – FM iyo Online!