Wax walba waa laba nooc

Aqoontu waa laba nooc, mid aad ku dadaashay iyo mid ay waayuhu ku bareen oo la yidhaahdo waayo-aragnimo, tan aad ku dadaashay way kaa guuri kartaa.

Aqligu waa labo, mid aad ku dhalatay oo Indheer-garadnimo ah iyo mid hafmo ah, kan fahmada ah isna waa kaa guuri karaa.

Hanti waa mid aad tabcatay iyo mid cawo iyo nasiib lagu helo, kan aad tabcatay ayaa kuu raagi kara, ee kan aad nasiibka ku heshay maya.

Qurux waa laba, mid aad adigu dhoob dhoobatay, sida, xarrago, is xalxalid, iska dhaadhicin iwm, midna waa dhalamad, tan dhalamada ah ayaa kuu waarta.

Sharaf waa labo, mid dhalamad ah iyo mid aad faan iyo fookhaarnimo ku yeelatay ama karti ah, sharafta kartida ku timid way iska baaba’daa balse tan dabeecadda ah baa hadha.

Muran yaa ka qaba?

Xiggasho:Dhugasho

Category