Somaliland Oo 11 Bilood Ee U Dambayey Ay Ka Dhaceen In Ka Badan 7 Kun Oo Shil Iyo Khasaare Ka Dhashay

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa ka hadlay shilalkii dalka ka dhacay 11 bilood ee ugu dambeeyey.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay inay dalka ka dhaceen in ka badan  todoba kun oo shil baabuur ahi, dadka u geeriyoodayna  ay kor u dhaafayaan laba boqol iyo dhawr iyo lixdan qof,halka dadka dhaawacmayna ay ka badan yihiin afar boqol iyo dhawr iyo todobaatan qof.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) oo ka hadlaya shilalka dalka ka dhacay wuxuu yidhi “Muddo ka yar 11 bilood, waxaa ka dhacay wax ku dhaw toddoba kun oo shil, waxaa dhintay dad kor u dhaafaya laba boqol iyo dhawr iyo lixdan qof, waxaa dhaawacmay in ka badan afar boqol iyo dhawr iyo todobaatan qof, waxaa ayaan daro ah in dawlado iyo dalal dagaal ku jira in dhaawacaas, dhibaatada iyo khasaarahaasi aanu ka dhicin, macnaheedu waxaa weeyaan Somaliland dhibaatada jidadku waxay ka dhigtay sidii dal dagaal ku jira oo kale ujeedadeena kulankana waa sidii aynu taas uga badbaadi lahayn, oo dadkeena u badbaadin lahayn, hantideena u badbaadin lahayn..”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland 

 

Category