Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadda kursiga Madaxtinimada dalka ku fadhiyey muddo 9-bilood ah, ayaa ay Xukuumaddiisa soo wajaheen caqabado badan oo la xidhiidha tabashooyin  kaga imanaayey beelaha Somaliland oo aad u saluugsan dhismaha Xukuumaddiisa. Waxaana la sheegay in Madaxweynahu uu hadda diyaar u yahay sida oo kale na uu qorsheeyey siddii uu uga jawaabi lahaa tabashooyinka ka soo yeedhaya beelaha Somaliland.

 

Hargeysa(RH):-Xarunta CPA (Centre for policy Analysis) ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa warbixin ka soo saartay caqabadaha ku gedaaman doorasho ka dhacda Somaliland bisha March ee Sanadka Dambe.

 

Xafiiska la socodka arrimaha doorashoyinka ee CPA ayaa warbixin uu soo saaray wuxuu ku soo bandhigay caqabadahaas, waxaanay CPA cid kasta oo ay arrimaha doorashadu khuseeyaan u jeediyeen baaq.

 

Hargeysa(RH):-Ganacsataddii iyo Shirkadahii hore gacanta ugu hayey Maamulka Haamaha Shidaalka ee Berbera, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay awood iyo qaab jujuub ah u la wareegtay hantidoodii ay xaqqa u lahaayeen isla mar ahaantaana aanay illaa hadda garaneyn meesha ay ku dambeysay hantidoodu, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in ay ku baaqayaan in dib looggu soo noqdo xaydaabkii sharci isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu dhego u yeelato cabashada Ganacsatada ee salka ku haysa isla xisaabtanka.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1440-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Hargeysa(RH)Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dab ka kacay Guri Daara ku taalla xaafada New Hargeysa gaar ahaan Sariibada Nasiye ee Degmada Gacan Libaax Magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaan sababay  khasaare hantiyeed, sidoo kale Dabkan ayaa waxaa dhaawac ka soo gaadhay  ilmo yar oo guriga dhex joogay.

 

Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-geliinta,Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) Iyo Saraakiil kale oo Wehelisa oo galabta Shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda hargaysa ayaa faahfaahin ka bixisay qodobada ka soo baxay Shirweynihii heerka qaran ee Shaqo gelinta dhallinyaradda Somaliland ee Lagu soo gabo gabeeyay Magaaladda Hargaysa.