Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Jig-jiga(RH)Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya Mustafe  Muxumad Cumar ayaa  Ku Dhowaaqay  Magacaabista Golahiisa  Wasiirrada Cusub  waxaana la filayaa  Golaha Cusub ee  wasiirada inay maanta  ansixiyaan baarlamaanka DDSI.

   1  Madaxweynaha DDSI Mudane Mustafe Muxumed Cumar

    2 Madaxweyne Ku/xigeen Mudane Aadan Farax Ibrahim

    3 Wasiirka Biyaha Mudane Bashiir Shaafi

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland  iyo  Xafiiska  Hay’adda IOM ee muhaajiriinta u qaabilsan Qarammada Midoobay ku leedahay Hargeysa,   ayaa wadajir u taageeray tahriibeyaal   Itoobiyaan ah  oo muddo lix maalmood ah ku jiray badda, kadib markii dooni ay wateen oo ay ugu safrayeen  Sucuudigu ka ciladowday, kuwaasi oo lagu celiyey waddankoodii.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu  daah-furay shirweyne shaqo abuur loogu samaynaayo muwaadiniinta reer Somaliland, waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda Jaamacada Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay Jaamacadda Hargeysa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mida Ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeeray qaybo ka mida jaamacada, isagoo dhagax-dhigay dhismaha shaybaadh casriya (laboratory)  oo ay yeelan doonto Jaamacadu kaasoo madaxweynuhu u ballan qaaday jaamacada mar uu kormeer ku tegay 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-191/082018, ku dhaqan-geliyey afar Xeer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Tog-Wajaale(RH)Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ay ku weheliyaan Wasiirka Horumarinta Beeraha iyo wasirka Qorshaynta Qaranka ayaa si balaadhan u soo kor meeray mashruuca BEER OO BAAHI REEB ee Banka Wajaale kaasi oo hada meel wanaagsan maraya waftiga ayaa u jeedada kormeer koodu ahaa sidii ay u ogaan lahayeen halka uu marayo mashruucaas oo loogu tala galay in uu wax weyn ka taro raashinka ciidamada kala duwan ee dalka.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay in uu cisbitaal dibadeed u qaadayo siyaasiga weyn ee Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo in muddo ah xannuun u jiifay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Fihiima Yuusuf Guunje oo ka mid ah Xildhibaannada golaha deegaanka Laascaanood ayaa xaqiijisay warkan waxaanay sheegtay in maalinta bari ah Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) loo qaadi doono dhakhtar dibadeed.

Hargeysa(RH)Doorashada golaha wakiilada iyo ta’ deeganka oo la qoondeeyay inay qabsoomaan March 2019, ayaa u muuqda inaanay ku qabsoomi Karin wakhtigaas loogu tallo galay.

Doorashooyinkan, ayaa waxa wakhtiga loo muddeeyay ka hadhay  7 bilood, waxaana weli qabyo ah arrimo badan oo ay ahayd inay dhammadaan intaan lagu dhawaan wakhtiga doorashada.