Filimka Xaaska Xaabaal Qodaha oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, gaar ahaan tiyaatarka qaranka waxaa xaley lagu daawadau filimka Xaaska Xabaal Qodaha, oo ah filin Soomaaliyeed kaasoo si weyn u soo jiitay dad badan oo caalamka ku nool kuna guuleystay abaalmarinno.

Dad badan ayaa oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa daawaday filimkan lana dhacay fariinta iyo sida loo jilay, waxaana ka mid ah dadkaas dhallinyaro iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Filimkan ayaa noqday kii labaad ee laga daawado golaha murtida iyo madadaalada qaranka.

Dadka ayaa filimka ka daawanayay dhalo weyn oo la dhigay tiyaatarka, waxaana dadka ay fadhiyeen kuraas la dhigay tiyaatarka oo ka soo baxanaya colaadihii soo maray dalka.

Filinkan ayaa waxaa sameeyay dhallinyaro Soomaali ah, iyaga ayaa jilaya, waxana abaalmarinno siiyay shirkadaha waaweyn ee filimada ee dunidda sida Holliwod.

Filimkan Muxuu ku saabsan yahay?

Filimkan ayaa ka turjumaya nolasha qoys sabool ah oo ka kooban aabbe, hooyo iyo wiil yer ay dhaleen kuwaasoo nalashooda la daala dhacaya.

Labada qof ee lamaanaha ayaa nolashooda la kulmay dhib, waayo mid ka mid ah ayaa xanuusaday, waxaana la waayay qof caawiya qoyska gaar ahaan hooyada, waxaana dhacday in wiilka yer uu caseeye noqdo si u caawiyo hooyadiis oo markaas bukaan ahayd.

Dhallinyaro fara badan oo dhashay intii dalka uu burbursanaa sodonkii sanno, dhagtana ka maqli jiray riwaayadihii lagu soo bandhigaya tiyaatarka qaranka ayaa la dhacay filinka, waxaana ay codsaden in filimada sidan oo kale ee dhaqankeenna iyo afkeenna wata la badiyo.

Dad badan oo xaley ku sugnaa tiyaatarka ayaa sheegay in filimkan uu muujinayo sida dalka uga soo kabanayo colaadihii soo maray, lana heli karo Soomaali ka dhabeen kara in ay soo nooleeyaan dalkan.

Filimkan waa kii labaad oo ay jilaan dad Soomaali ah oo sodon sanno kadib laga daawado tiyaatarka qaranka sannadkan kaliya.

Filimkan ayaa ka shekeynaya qoys Soomaaliyeed oo sabool ah oo ay la soo deristay dhibaato dhanka nolosha ah oo u adkeystay sidii uu uga gudbi lahaa caqabaddaas inkasta oo aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan arrintaas.

Filimka ayaa sidoo kale diiradda saaraya sheekada nin xabaal qode ah oo sabool ahaa iyo sida uu dadaal ugu galay badbaadinta xaaskiisa oo kiliyaha ka xanuunsatay, inkasta uu la daalaa dhacayay maareynta qoyskiisa haddana wuxuu raadiyay dhaqaale uu ku baadigoobayo in xaaskiisa caafimaad hesho.

Filimkan ayaa lagu daawanayay $15 dollar, waxaana ka qaybgalay dad u badan dhallinyaro isugu jira wiilal iyo hablo.

Abaalmarinta Nordische Filmtage Lubeck Festival ee dalka Jarmalka ayaa filimka Xaaska Xabaal Qodaha waxa uu ku guulaystay filimka ugu wanaagsan, halka dalka Tunisia uu jilaaga Cabdi Cumar helay jilaaga ugu wanaagsan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category