Hargeysa (RH)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo mar kale u tartamaya doorashada madaxweynaha ee berri ka dhaceysa, ayaa sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin diyaar inuu dhaqangalo heshiiskii dowladda Itoobiya ay la galeen horaantii sannadkan.
Biixi oo wareysi siiyay VOA, ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii magaalada Laasacanood sannadkii horre ka dhacay kaasoo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo huwan ah.
''Laasacaanood waa uu jiray oo koox aan Somaliland jiritaankeeda rabin oo kala duduwan ayaa soo abaabushay, oo aan huwanta u naqaanno, waxaana soo kiciyay waa ogeyd sannadihii ugu dambeeyay waxaa bilowday abaabul aan dowladaha caalamka hordhigayno in aan aqoon rasmi ah la helin'' Ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in tallaabadaas koox diidan ay ka dambeesay dagaalka ka dhacay Laasacaanood, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay marka ay dhammaato doorashada Somaliland in la billaabi doono wadahadallo dhexmara dhinacyada dagaallamay.
Mar uu ka hadlayay heshiiskii Itoobiya ay la galeen iyo xiisadda uu ka buuray geeska Afrika, waxa uu sheegay in loo baahnaa heshiiskaas iyo xiisad galiyo gobolka maadama ay aduunka maanta garteen in ay jirto Dowlad Somaliland la dhaho, waxa kale oo uu caddeeyay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in la dhaqangaliyo heshiiskas oo hadda ay sugayaan in dhinaca Itoobiya uu ka dhaqangalo.
''Wadahadalkeenu waxa uu ahaa annagu ictiraaf baa dooneynay, iyaguna meel ay bad u maraan ayey doonayeen labadiiba waa isla soo qaadanay labadaas qodob baa isweydaarsanay, labo baahi ayaa jirta waxaana suu saaray nabarkii qarsoonaa iyo cadowgii qarsoonaa ee Somaliland inuusan qaran noqon ayaa soo baxay'' ayuu yiri madaxweyne Biixi.
Heshiis rasmi ma noqonayaa.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in is afgaradka labada dhinac uu qaatay 12 bilood, uuna taabtay aduunyada waaweyn iyo kuwa faqriga.
''Anaga xageena waa ka diyaar MOU, balse xagooda ayaa laga sugayaa'' ayuu yiri madaxweynaha Somaliland oo u warramay Laanta af soomaaliga VOA.
Radio Hormuud
Studio 3
Nayrabi-Kenya