Denmark: Wasiirad hore oo lagu xumay Xabsi

Denmark: Wasiiradii hore ee ajanabiga wadanka Denmark  Inge støjberg oo baryahanba maxkamadi ku socotey ayaa shalley lagu xukumey 60 maalmood oo ay xabsi ah.

Inge ayaa lagu soo eedeeyay sharcijabin iyo kutagrifal awood dawladeed, kadiba kolkii ay 2016 kii amartay in laba xero lakala geeyo magangalyo doon kayimi dalka suuriya oo lamaanuhu  da' ahaan kalaweynaayeen  , waxaaney barigaas ku andacoodtey in haweenkaasi ay yihiin caruur kayar 18 sanno oo rag ka waaweyni xoog kuhaystaan.

Kiiskani wasiiradu xabsiga ku muteysatey ayaa ah dhif iyo naadir, waxaana garteeda qaadayey 26 xaakim oo 25 kamid ahi isku raaceen in ay sharciga ku gaftey isla markaasina mutaysatey ciqaab.,

Arinta kale ee xusida mudani waa in baarlamaanka wadanku cod uqaadayo in ay kasii mid ahaato xabsiga kadib, maadaama oo ay xabsi ku muteysatey sharciga dalka oo ay dhawriweyday.

Category