Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda magaalada Boosaaso

BOOSAASO :Xaaladda maagaalada Boosaaso ayaa maanta deggan, kadib markii habeenimadii xalay cabsi laga muujiyay inuu dagaal ka dhex qarxo qaybaha ciidamada ee mamulka Puntland iyo ciidamada PSF ee lagadoodsan agaasimihii xilka dhowaan laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano.

Xalay ayaa shacabka magaaladda Boosaaso ay dareemeen dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoo ay sare u kacday xiisaddii u dhexeysay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa PSF ee daacada u ah agaasimihii uu dhowaan xilka ka qaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoysaska ku dhaqan xaafadda Ridwaan ee magaaladda Boosaaso ee sida aadka ah ugu dhow madaxtooyada Puntland iyo xerada ciidamadda PSF ayaa qaar ka mid ahi u soo barakaceen xaafadaha ka fog, si ay uga nabadgalaan dagaal halkaas ka dhaca.

Is-mariwaaga u dhexeeya maamulka Puntland iyo agaasimihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Dayaano ayaa soo jiitamayey muddo laba toddobaad ku dhow, waxaana jiray iskudayo lagu doonayey in xal looga gaaro khilaafka ka dhashay agaasimaha cusub ee uu dhowaan madaxweynaha Puntland u magacaabay ciidamada PSF Amiin Xaaji Kheyr iyo agaasimihii hore oo amarkaas ka dhega adaygay.

Toddobadii bishan December ayaa Isimada Gobolka Bari ay soo saareen go’aan ay ku doonayeen in lagu dhammeeyo khilaafkan, haseyeeshee maamulka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed go’aanka Isimada ku tilmaamay mid khatar gelinaya ammniga iyo xasilloonida Puntland.

Wadoooyinka halbowlaha ah ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan lagu arkayey ciidamo si weyn u hubeysan oo isgoysyada qaarkood dhigtay baro-kontorool, haseyeeshee, waxaa si caadi ah u socda ganacsiga, isu socodka gaadiidka dadweynaha, waxbarashada iyo nolosha cadiga ah ee magaaalada.

Dhinaca kale, sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA ee magaalada Boosaaso, Faadumo Yaasiin Jaamac, waxaa weli jira dadaallo ay wadaan siyaasiyiin iyo waxgarad, kuwaas oo isu xilqaamay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka u dhexeey maamulka Puntland iyo agaasimihii hore ee ciidamadda PSF.

 

xigasho VOA

Category