Wasiir Keyd oo caawa la kulmaya qaarkamid ah Jaaliyada Somaliland ee Washington.

RH:  Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd ayaa caawa fiidka saacada magaalada Washigton la kulmidoona qaarkamid ah Jaaliyada Somaliland ee ku nool magaalada washington kullankan oo isu jira soo dhaweyn iyo is xog wareysi ayuu wasiirku diirada ku saaridoonaa in uu jaaliyada uga waramayo xaalada dalkoodii iyo safarka uu ku imandoono Washigton Madaxweynaha Somaliland iyo Waftiga uu hogaaminayo, dhanka kale wasiirka oo aanu wax ka waydiinay fariinta ugu mihiimsan ee uu la wadaagayo jaaliyada Somaliland ee Washington ayaa noo sheegay in ay tahay  mida uu la wadaagayo dhanaam jaaliyadaha kale ee ku nool dalalka kala duwan ee caalamka , taas oo ah in ay meel uga soo wada jeedsadaan danta dalkooda.

Wasiirka ayaa tilmaamey muhiimada ay leedahay in laga faaideysto awooda qurba jooga oo aan la'aantood Somaliland halkaa soogaadheen  isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi " waxa aan leeyahay  hadii aaneydun dhamaantiin isku raaci karin qaabka aad ugu adeegaysaan dalkiina intii isku figrada ahi ha is kaashato , waanu idiin baahanahey dhamaantiin mid kaliya kama maarano,  xafiiskayguna waa idiin furanyahay waanan dhageysanayaa talooyinkiina dhawaana waxaanu webtsiteka wasaarada oo aanu dibu habeyn ku wadno ku baahindoonaa  meesha aad noogu soo hagaajinkartaan  talooyinkiina.

Dhanka kasoo qeybgalka kullanka madaxweynaha ayaanu sidoo kale wax kaweydiiney wasiirka iyo sida qofkii rabaa uga soo qeybgali karo, waxaanu noo sheegay in ay jiraan tiro xadidan oo kuraas ah balse wali uu jiro boos banaan qofkii rabaana waxa uu la xidhiidhi karaa  wakiilka Somaliland ee USA  Amb. Bashir Good .

Wasiirka ayaa magaala washington oo uu todobaadkan bilowgiisii yimid ujooga sidii uu ugu sii gogol xaadhi lahaa , waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland md. Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku imandoona dhawaan dalka mareykanka.

 

Category