
Nairobi (RH)-Dawladda Maraykanka ayaa Liiska cas gelisay 11 dal oo Soomaaliya ay ka mid tahay kuwaas oo laga mamnuucayo in ay u safraan waddankaas marka si rasmiya loogu dhawaaqo.
11 ka dal ayaa kala ah.
1: Soomaaliya
2: Liibiya
3: Cuba
4: Iran
5: Sudan
6: Kuuriyada Waqooyi
7: Afghanistan
8; Yemen
9: Suuriya
10: Bhutan
11: Venezuela.
Dalalkan qof kasta oo sita Passport kooda looma ogolaan doono in ay sinaba ku helaan Visaaha Maraykanka.
Waxa xusid mudan in Liiska waddamada Maraykanka laga mamnuucay in ay toddobo dal ahayeen kal xukunkii hore ee madaxweyne Trump balse sannadkan lagu soo daray 5 waddan oo kale sida uu qoray Yew york Times.
Arrinkan ayaa saamaynaya dadka Soomaalida ah ee naawilayey in ay dalkaas u safraan gaar ahaanna kuwii doonayey in ay nolol cusub ka bilaabaan.