RH: Waxaa la shaaciyay natiijooyinka imtixaanada sanadka 2024 ee ardayda Kolding. Warbixinta ayaa muujineysa in saddex dugsi sare oo ku yaalla Kolding horumar sameeyeen, labo dugsi ay dib u dhac sameeyeen, halka mid kale uu joogsaday halkiisii. Dugsiyada ayaa ardayda ku qiimeeyay celceliska dhibcaha soo socda:
1. HHX ee IBC
- Celcelis: 6.8
- Dib u dhac: Hoos u dhac 0.4 dhibco ah marka loo eego sanadkii hore.
- Guud ahaan: Celceliska ugu hooseeya tan iyo 2019.
- Piger vs Drenge: Gabdhaha (7.7), Wiilasha (6.2).
2. Munkensdam Gymnasium (STX)
- Celcelis: 7.9
- Horumar: Sare u kac 0.5 dhibco ah.
- Guud ahaan: Celceliska ugu sarreeya 11-kii sano ee lasoo dhaafay marka laga reebo sannadihii COVID-19.
- Piger vs Drenge: Gabdhaha (8.3), Wiilasha (7.1).
3. STX ee Kolding Gymnasium
- Celcelis: 6.8
- Dib u dhac: Celceliskii ugu hooseeyay 11 sano.
- Piger vs Drenge: Gabdhaha (7.1), Wiilasha (6.4).
4. HF ee Kolding Gymnasium
- Celcelis: 5.7
- Joogsad: Wax isbeddel ah kuma dhicin sanadkan.
- Guud ahaan: Heerka ugu hooseeya 11-kii sano ee lasoo dhaafay.
- Piger vs Drenge: Gabdhaha (5.9), Wiilasha (5.3).
5. HTX ee Hansenberg
- Celcelis: 7.9
- Horumar: Waxoogaa sare u kac ah marka loo eego sanadkii hore.
- Guud ahaan: Heerka ugu sarreeya marka laga reebo sanadka 2022.
- Piger vs Drenge: Gabdhaha (8.1), Wiilasha (7.8).
6. HF ee Kolding HF & VUC
- Celcelis: 7.2
- Horumar: Celceliska ugu sarreeya 11 sano.
- Piger vs Drenge: Gabdhaha (7.3), Wiilasha (7.0).
Gabagabo: Gabdhaha ayaa guud ahaan ku fiicnaaday wiilasha dugsiyada oo dhan. Dugsiga HTX ee Hansenberg iyo Munkensdam Gymnasium ayaa kaalmaha ugu sarreeya galay (7.9), halka HF ee Kolding Gymnasium uu kaalinta ugu hooseysa galay (5.7).
isha warkan: jv.dk .
Tarjumaada: Maxamed-Amiin