Dagaalka ka socda Ukraine oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Muqdisho (RH)-Ayadoo dagaalka Ukraine ee kaga yimid dalka Ruushka uu galey maalintii 14-aad, ayaa saameynta ka dhalatay dagaalkaas waxa ay gaartay meelo badan oo caalamka ah, waxaana ay saameesay qeybo badan oo nolasha ka mid ah sida qeybaha cunnada iyo shidaalka.

Meelahaas waxaa ka mid ah Soomaaliya oo horreyba ay ka jirtay abaar ba’an oo dadka iyo duunyada saameesay.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemay sara u kac ku yimid qiimaha shidaalka taasoo keentay in ay qiimaha gaadidka dadweynaha lagu raaco ay lacag ku darsantey.

Sidoo kale, cuntooyinka ayaa iyana lacag ku darsantey, sida ay dadka magaalada Muqdisho sheegayaan.

Kaalmaha shidaalka

Qaar ka mid ah dadka ka ganacsada shidaalka ayaa sheegay in maalin kasta qiimo uu ku kordho shidaalka tusaale shan sinti ama 10 sinti ayaa ku kordha maalin kasta ayuu yiri Maxamed Sheekh Cali oo kaalin shidaal ku heysta agagaarka KM4.

“Hakii liitir ee shidaal waxa uu Muqdisho ka joogaa 1 dollar 5 sinti, waxaana laga yaabaa in maalmaha soo socda uu sare u kaco”ayuu yiri Maxamed Sheekh Cali.

Sidoo kale wiil ka xeeya mooto bajaajka ayaa Radio Hormuud u sheegay in uu ka cabsi qabo in shaqada joojiyo maadama uusan heli Karin 20 dollar maadama uu 10 dollar shidaal ku shubanayo 10 kelena uu siinayo qofka leh bajaajka uu wato oo kiro ah.

Sidoo kale, maciishada daawada iyo cuntooyinka ayaa laga dareemay sara u kaco ballaaran.

Wasaaradda batroolka Soomaaliya ayaa toddobaadkii horre sheegtay in qiimaha shidaalka uu cirka isku shareeri doono maalmaha soo socda iyadoo loo aaneenayo dagaalka ka socda Yukreen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category