Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Shir Ballaadhan oo uu Shir-Guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ka qeyb galeen madax iyo masuuliyiin ka socota hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha samo-falka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar ka mid ah hay’adaha madaxa bannaan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsan, ayaa shalay ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa(RH)Shirkad Magaceedu yahay Salternas LTD ayaa sheegtay in ay Somaliland siisay Mashruuc ah milix ka samaynta uumi baxa biyaha badda Somaliland. Heshiiska oo ah muddo 25 sannadood ah lana kordhin karo ayaa ah in shirkaddu mashruuca ka fuliso dhul ku teedsan badda oo dhanka galbeed ka xiga Berbera cabbirkiisuna yahay 150KM2haddii loo baahdana la gaadhsiin karo 200KM2.

 

Jig-jiga(RH)Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar)ayaa  maanta Xilkii ka qaaday wasiirkii wasaarada Warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilkaasi u magacaabey Cabdilaahi Maxamed Mowliid oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey DDSI.

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa wadamada Ingiriiska iyo Belgium waxaana gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Maayar ku xigeenka Caasimada, Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda-dhaqanka iyo siyaasiyiin.