Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare

Muqdisho (RH)-Doorasho iminka soo dhamaatay oo  ka dhacday xarrunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay Sanatar Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo xilkan hayay shantii sanno ee la soo dhaafay.

Cabdi Xaashi ayaa la tartamay wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac oo helay 24 cod iyo wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo isna helay labo cod.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ee aqalka sare Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu sheegay in Sanatar Cabdi Xaashi uu noqday guddoomiyaha cusub ee aqalka sare.

Doorashada Aqalka Sare

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho ka socda doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha aqalka sare.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category