Xasan Sheekh Maxamuud: Soomaaliyeey yaan cabsi nalagu beerin

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu duceynayay alle ha u naxariisteen Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dhawaan ku dhimatay qaraxyo dhawaan ka dhacay magaalada Bledweyne.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin badan oo ay ka mid yihiin madaxwaynayaashii hore ee dalka.

Rai'sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay.

Rai'sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Aamino Maxamed Cabdi "ay u dhimatay qadiyad caadil ah."

Waxaa uu intaa ku daray in loo baahan yahay in qofka uu dhinto isaga oo xaqa raadinaya.

"Waan ku qanacsanahay inay ku dhimatay qadiyad caadil ah, si geesinnimo leh-na ugu dhimatay, dadka micnaha leh ma jecla inay gogashooda ku dhintaan waxay jecel yihiin in iyaga oo xaqa raadinaya inay goobta ku dhintaan,dadkaas ayay-na ka mid tahay,," ayuu yiri Mr Shariif.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhanka kale sheegay in la qaado waddadii ay aaamino martay oo ah cadaalad raadinta.

"Waxaan wada ognahay dadka Soomaaliyeed muddadii dambe dhibaatooyiin la mid ah dhibaatadaan ayay ku jireen, waxay u ordeysay waxay ahayd in ay dhibaatadaas dhamaato marka waxaa nala gudboon dariiqii ay martay inaan marno oo al helo nidaam cadaald ah,," ayuu intaa ku daray.

Maxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa farta ku fiiqay in loo baahan yahay dhiiranaantii ay Aaamino lahayd oo kale.

"Aaamino waan u duceynay waana u duceyn doonaa laakiin aan hal mid ah ugu abaalgudno wixii ay aaminsaneyd, wixii ay u taagneyd inaan aamino aana u taagnaano oo aan qaadano dhiiranaanteedii,," ayuu yiri, madaxwayne Xassan Sheekh.

Waxaa uu intaa ku daray in isaga iyo Aamino ay waxyaabo badan ka sinaayeen gaar ahaan dhanka qiyamka.

"Aamino waxaan ka mideysneyn qiyamka ay aaminsaneyd iyo kan aan aaminsanaa ayaa isku soo dhacayay oo waddadeen halkaas ayay isaga soo dhaceysay, ayuu yiri Mr Xasan Sheekh.

Rai'sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay.

Maxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ku baaqay in laga fogaado cabsida isaga oo sheegay in qofka uu dhimanayo oo kali ah marka ay tiisa gasho.

"Cabsido wax badan nooma tarto, cabsido way na soo xirxirtaa oo caqligeena ayay soo xirtaa , cibaadadeena ayay soo xirtaa , dadnimadeena ayay soo xirtaa dhinac walba ayay soo xirtaa, inteena caqiidada islaamka aaminsan waxaan amainsanahay in qof maalintii iyo daqiiqadii u dhiman lahaa sidii uu ilaah -ba u cadeeya in daqiiqad-na aan la soo hornarinayn daqiiqadna la daba marinayn ,," ayu intaa ku daray.

"Soomaaliyeey wax badan ayaan u baahanahay inana ka tanaasulno oo aan iska dhaafno laakiin caawa waxaan rabaa waxa ugu horeeya oo aan dadka ku adkeynayo waxay tahay cabsida iska dhaafa," ayuu yiri.

23 bishan March ayay ahayd markii nin walxaha qarxa isku soo xiray uu qarax la eegtay allah ha u naxariisteen xildhibaan Aamino Maxamed.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil

Xiggasho: BBC

Category