Sawirro: Boorama oo Sannadkii 3aad lagu qabanayo Bandhigga Buugaagta

Boorame (RH)-Magaalada Boorame ayaa waxaa maanta oo Arbaca ka furmay bandhigga buugaagta oo socon doona labo cisho, waxaana ka qeybgalaya qorayaal, aqoonyahanno iyo dad jecel wax akhriska oo qaar kood ka yimid magaalooyin kala duwan.

Bandhiggan oo ay soo qaban qaban qaabiyeen ururka dhallinyarada ee Al-Xikma ayaa sannadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay Xasilloonida iyo Hormarka, waxaana muddada labada cisho ee uu soo socda bandhigga lagu lafaguri doonaa isku xirka xasilloonida iyo horumarka gaar ahaan waddamada Afrika, sida uu sheegay guddoomiyaha Xikma Maxamed Jaamac Madar.

Magaalada Boorama waxa ay ka mid tahay magaalooyinka lagu majiirto aqoonta iyo waxbarashada marka loo eego magaalooyinka dhulka Soomaalida, sidaas oo tahay magaalada haddana ma lahan maktabad ama xarrun ay dhallinyarada wax baratay ay wax ku akhristaan.

Inta uu socdo bandhiggan waxaa la filayaa in ay ka faa'ideystaan dhallinyarada buugaagta iyo mowduucyada lagu soo bandhigayo.

Sidoo kale, qorayaasha buugaagta yimid bandhiggan ayaa la filayaa in ay iyaguna ay soo bandhigaan buugaata ay qoreen, si looga faa'ideysto.

Boorama oo sannadkii saddexaad lagu qabanayo bandhigga buugaagtaBoorama oo sannadkii saddexaad lagu qabanayo bandhigga buugaagtaBoorama oo sannadkii saddexaad lagu qabanayo bandhigga buugaagta

Radio Hormuud

Studio 3

Boorama_Somaliland

 

Category