Qadiyadda SSC Khaatuma iyo siyaasiyiinta Soomaalida (Faallo)

Tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si rasmi ah ugu dhawaaqday aqoonsiga maamulka SSC-Khaatumo in ay tahay dowlad-goboleed buuxa oo kamid noqonaya nidaamka federaalka dalka, waxaa laga filayey in dhammaan siyaasiyiinta sheegta in ay u taagan yihiin danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay si buuxda u taageeraan tallaabadaas muhiimka ah ee lagu xoojinayo midnimada ummadda iyo dhulka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, war-murtiyeedkii DFS shaacisay subaxnimadii Isniinta, ma noqon mid ay ka falceliyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ugu caansan dalka sida Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Aamusnaantooda waxay ahayd mid dad badan fajac gelisay, iyadoo loo arkayey in arrintani tahay mid qaran ah oo aan laga aamusi karin.

Waxaa xusid mudan in isla siyaasiyiintan qaar kamid ah ay si degdeg ah u hambalyeeyeen Cabdiraxmaan Cirro markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Somaliland sannadkii hore, inkastoo Somaliland ay weli si cad u sheegato in ay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale — sheegasho khatar ku ah midnimada, wadajirka iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

Markaa su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Miyeysan siyaasiyiintani garanayn qiimaha midnimada dalka? Mise si ula kac ah ayay uga aamuseen si aysan DFS u helin guul siyaasadeed? Mise waxay u arkaan in aqoonsiga SSC-Khaatumo uu yahay mashruuc aysan iyagu lug ku lahayn, sidaas darteedna uusan mudnayn taageero?

Haddii siyaasiyiinta maanta doonaya in ay berri qabtaan hoggaanka dalka aysan garab istaagin dadaallada lagu mideynayo shacabka iyo deegaannada Soomaaliyeed, sidee loo aamini karaa in ay mustaqbalka ilaaliyeen danaha qaran? Ma wuxuu qorshahoodu yahay oo kaliya kursi raadis ku dhisan mucaaradnimo joogto ah oo aan lahan xuduud qaran?

Waa mas’uuliyad weyn oo saaran muwaadin kasta, gaar ahaan siyaasiyiinta damacsan hoggaanka dalka, in ay muujiyaan taageero marka ay dhacaan tallaabooyin waaweyn oo qaran — kuwaas oo lagu xoojinayo midnimada dhuleed, siyaasadeed, iyo bulsho ee ummadda Soomaaliyeed.

Midnimadu waa tiirka qaranka, mana aha wax siyaasadaysan oo lagu xusho cidda aad taageersan tahay ama diidan tahay.

Ugu dambeyntii, shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin hoggaan dhab ah oo ku hadla magaca midnimada, qaranimada, iyo mustaqbalka. Aamusnaanta siyaasiyiinta qaarkood waa fariin mug leh — waxayna noqon kartaa mid aan la iloobi doonin.

W/Q: Abdijaliil Osman

Saxafi madax bannaan

Category