Turkiga oo shidaal sahmin ka billaabaya Soomaaliya bishan

Ankara (RH)— Markab qaabilsan sahminta dhulka oo laga leeyahay Turkey ayaa la qorsheynayaa inuu xeebaha Soomaaliya soo gaaro dhammaadka October, si uu u billaabo raadinta saliid iyo gaaska dabiiciga, waxaa sidaas maanta ku dhowaaqday wasaaradda tamarta Turkey.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi tamar.

Heshiiskii bishii Maarso ayaa la xiriiray shidaal baarista iyo soo- saarista, wuxuuna u ogolaaday shirkadda Turkish Petroleum inay hesho shatiyada saddex goob oo ka mid ah badda Soomaaliya.

Markabka Oruc Reis ayaa sahmin doona aag dhan qiyaastii 5,000 km isku wareeg ah, sida ay sheegtay wasaaradda, ayada oo intaas ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu Turkiga uga qeyb-gali doono Sabtida munaasabad lagu sagootinayo markabka.

"Waxaan saadaalineynaa in goobta uu ka shaqeyn doono Oruc Reis ay tahay gobol leh rajooyin shidaal," ayuu wasiirka tamarta Alparslan Bayraktar ku yiri bayaan uu soo saaray.

Oruc Reis ayaa waxaa wehlin doona laba markab oo kuwa dagaalka ah, kana caawin doona inuu gaaro xeebaha Soomaaliya, isaga oo sii mari doono badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Bayraktar waxa uu sheegay in shirkadda Turkish Petroleum ay haysato shatiyada sahmin ee dhul-badeed loo qeybiyey saddex goobood oo ka kooban 15,000 oo km oo isku wareeg ah. Sahminta ayaa la filayaa inay socoto ilaa toddoba bilood.

Xigasho: VOA iyo Reuters

Category