Shariif Xasan oo loo diiday inuu tego Baydhabo

Muqdisho (RH)-Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga hor istaagay in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo.

Shariif Xasan wuxuu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa doorashada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu BBC u sheegay in duuliyihii diyaaraddii uu raaci lahaa uu u sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu kasoo fulay amarka loogu diiday in uu u duulo Baydhabo.

“Aniga waxaan rabay in aan Baydhabo aado maadama kursiga reerkeyga ay ku calaamadeysan yihiin lasoo dhajiyay uu yahay 261, tolkeygana wey ii yeereen in aan Baydhabo aado..maanta ayaan diyaaraddii ballansanayn, markaa diyaaraddii masoo kici karta baa la yiri, masoo qaadi kartid baa lagu yiri ninkii duuliyaha ka ahaa diyaaradda laakiin waxaan rabay in aan ka qeybgalo waana la diiday in aan meesha tago” ayuu yiri shariif Xasan.

Xiggasho: BBC

Category