Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo guddi u xilsaartay weerarkii ka dhacay Gaalkacyo

Garowe (RH)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Weerarkaasi ayaa ka dhacay beerta guri uu magaalada Gaalkacyo ka deggan yahay duqii hore ee magaalada ahna nabaddoon caan ka ah gobolka, Yaasiin Cabdisamad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay isla habeenkii uu weerarka dhacay ku sheegay inuu ahaa isku day dil oo isaga lala damacsanaa, wuxuuna ku eedeeyay taliyaha booliiska gobolka Mudug ee Puntland, isagoo sheegay inaysan ka hari doonin arrintaas oo baaritaan lagu sameyn doono.

Xiggasho: BBC

Category