Macallimuu oo dalka dib ugu soo laabtay kuna dhawaaqay inuu yahay musharax xildhibaan

Muqdisho (RH)-Afhayeenka xafiiska Ra'isul wasaaraha Sooomaaliya Maxamed Ibraahin Macallimuu oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa, isla galabtana ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Macallimuu ayaa markii uu maanta ka soo dagay Muqdisho sheegay in uu yahay musharax xildhibaan golaha shacabka, waxaana uu la kulmay ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, siyaasiyiin iyo bahda saxaafadda ee magaalada Muqdisho.

Macallimuu ayaa ka soo laabtey dalka Turkiga oo loo geeyay in looga soo daweeyo dhaawac ka soo gaaray qarax lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii January ee sannadkan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii kasoo gaaray weerarkii lala beegsaday, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

Afhayeenka xukuumadda SoomaaliyaRa'iisal wasaare Rooble oo la kulmay afhayeenkiisa

Macallimuu oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa u mahad-celiyey dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaatiirta isbitaalka Erdogan ee Muqdisho ee la tacaashay xaaladdiisa caafimaad markii qaraxa uu gaaray.

Macallimuu ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weli uu taagan yahay kursiga xildhibaan ee beeshiisa, taasina aysan waxba iska beddelin.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category