Dhibaatada Qurbaha: "In ka badan 400 oo codsi kadib ayaan helay shaqadii aan ku taamayay"

Markii ay Ruth Ozavize Ossai bishii March 2020 u guurtay dalka Britain, ma aysan fileyn in in ka badan 400 oo arji shaqo ay dirsan doonto ka hor inta aysan heli shaqadii ay ku taamaysay.

Rush ayaa jaamacad ku taalla dalka Nigeria ka baratay culuunta Chemistry, balse markii dambe waxa ay u wareegtay xirfadda badqabka goobaha caafimaadka.

Haweeneydan 30 jirka ah ayaa BBC u sheegtay in aysan ka niyad jabin codsiga shaqada ay ku taamaysay oo ah inay ka hawlgasho xarumaha caafimaadka.

Markii ay bishii June 2020 weyday shaqa ay rabtay, waxa ay ku qasbanaatay inay ka shaqeyso hawl aan xirfadeeda ahayn, balse markii dambe waxa ay fursad ka heshay xarun caafimaad.

"Todobaad kasta, Isniin ilaa Jimco, waxaan diri jiray arji shaqo, maalintiina waxaan gudbin jiraa ilaa 15 codsi. Markii aan dib u tirinay aniga iyo seygeyga, waxaan tirada codsiyadaas gaarsiinay in ka badan 400," ayay Rush u sheegtay BBC qeybteeda Pidgin.

Haweeneydan ayaa sheegtay in culayskaas aanu saameyn dedaalkeeda, oo ay ogeyn in maalin uun ay heli doonto fursadda ay raadinayso.

Mar la weydiiyay waxa ka khaldanaa codsigeeda ee intaas oo dhan loo tixgelin waayay ayaa waxa ay Ruth sheegtay in sababaha ay ku weyday shaqooyinkaas ay kamid ahaayeen:

  • Khibrad La'aan: Maadaama aysan wax shaqo ah oo la xiriira arrimaha caafimaadka ka qaban gudaha Britain.
  • In aysan gaari wadi aqoon: Ruth ma aysan aqoon sida gaari loo kaxeeyo, shaqada ay doonaysayna waa mid u baahan in qofka uu maalintii isu maro dhowr xarumood.
  • Goobta shaqada: Inta badan shaqooyinka ay codsatay ayaa ahaa kuwo xarumahooda ay ka fog yihiin halka ay degan tahay Ruth, ama magaalada ay ku nooshahay.
  • Xirfadda: Ruth waxa ay horay uga shaqeyn jirtay warshad dawooyinka samaysa oo ku taalla Nigeria, mana aysan lahayn xirfad dhanka caafimaadka ah.

Ruth ayaa dadka shaqo doonka ah kula talisay in marka ay dirsanayaan codsiyada ay si wanaagsan igu diyaariyaan waraysiga iyo waxa la weydiin karo.

Waxyaabaha ay sida gaarka ah isaga eegi karaan waxaa kamid ah:

  • Fahanka Shirkadda: Wax ka ogow shirkadda aad shaqada ka rabto, qiyamkeeda iyo sida aad u mudan tahay shaqada.
  • Ha noqon wax kasta yaqaan: Ha iska dhigin qof wax kasta yaqaana oo aan u baahnayn inuu aqoon korarsado.
  • Iska eeg su'aalaha lagu weydiin karo: Baaritaan ku samee su'aalaha lagu weydiin karo xilliga waraysiga. "Inta badan shirkadaha waxa ay su'aalaha ka soo qaataan internet-ka".
  • Kalsoonida: Si degan uga jawaab su'alaaha lagu weydiiyo, isla markaana raaci tusaaleyaal.
  • Xirfad cusub: Ruth ayaa ku doodaysa in shirkadaha ay jecel yihiin shaqaalaha barta wax cusub, ayna muhiim tahay in waraysiga aad ku sheegto in aad diyaar u tahay in wax cusub aad barato.

Dedaalkaas dheer kadib, Ruth waxa ay hadda haysataa shaqadii ay ku taamaysay, mushaar wanaagsan iyo weliba khibrad ku filan.

"Si wanaagsan ayaan u gutaa hawsheyda, mana jiraan wax igu adag, madaxda iyo shaqaalaha ba way ku faraxsan yihiin dedaalkeyga," ayay tiri Ruth.

Inta badan Afrikaanka u tahriiba waddamada Galbeedka ayaa rumaysan in shaqooyin wanaagsan ay si dhib yar uga heli karaan dalalkaas, balse xaqiiqada ayaa ah in taasi ay runta ka fog tahay.

 

xigasho BBC

Category