Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay hadalo dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in hadalka Guddoomiye Faysal Cali Waraabe aanu meesha qaban loona dulqaadan karin gefna uu ku yahay bulshada ku dhaqan deegaannada Bariga Somaliland.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa Caawa Cispitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Marxuum Abdirahmaan Liibaan Fooxle.Sida Ay Radio Hormuud  U  Xaqiijiyeen Qaar ka mid Ah Eheladiisu.

 

Allah Ha U Naxariistee Marxuum Abdirahmaan Liibaan Fooxle ayaa la sheegay inuu u Geeriyooday Xanuun kaga soo Booday Dhinaca Wadnaha.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka Covid-19, natiijooyinka kasoo baxay baadhitaannadii la sameeyey ee caddaynaya sida uu cudurku u faafayo, isaga oo bulshadana u diray waanooyin wax ku ool ah oo ay xanuunka kaga hor tagi karaan.

 

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee qofkii 5aad ayaa Gudaha Somaliland maanta u Geeriyooday Xanuunka Covid-19. Sida ay  Xaqiijisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland

Sidoo kale Waxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland  sheegtey in maanta Xanuunka Coronavirus laga Helay 6 Qof oo cusub kuwaasi oo kala Jooga  Magaalooyinka Hargaysa,Burco iyo Berbera isla markaana kala ah 5 Raga iyo 1 Dumara

Hargeysa(RH)Hawlgalo ay si wada jira Uga fuliyeen Cidamada Booliska iyo kuwa Qaranka oo ay ka sameeyeen xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ayaa lagu soo qabtay Gaadiid kala duwan oo sida qaad iyo  eedaysanayaashii watey kuwaasi oo maalmaha soo socda la sheegay in sharcigana la horgayn doono iyada oo la fulinaayo awaamiirta gudida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Coved-19.

Hargeysa(RH)Guddiga ka hortagga iyo U diyaargarowga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta sheegay in baadhitaan lagu sameynayo saddex qof oo looga shakiyey inay qabaan Coronavirus,isla markaana ay ka qaadeen Dheecaano loo diray dibedda si baadhitaan rasmi ah loogu sameeyo,iyada oo inta ka horeysana dadkan lasii karantiimayn doono.

Hargeysa(RH)Fadhigii 56aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta lagu lafo-guray ka hortaga xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.