Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka covid-19 ee Somaliland uu ku soo kordhay kiis Cusub oo laga helay Fayraska Covid-19 kaasi oo tiradii hore loo xaqiijiyey ka dhigaysa lix qof.

Hargaysa(RH):-Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo, si looga feejignaado, iyada oo wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Tignoolajiyadduna soo diyaarisay habkan casriga ah ee shirku ku qabsoomay.

Hargeysa(RH)Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay sidii la isku waafajin lahaa cibaabadda masaajidadda iyo xannuunka Coronavirus.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafeed uu galabta soo saaray Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed waxaanu u dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay ay habeen iyo maalinba dadaal ugu jiraan wacyigelinta dad ay sheegtay inay wadaan xaalufinta deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Sidoo kale waxaa ay tilmaantay in ay muddo qaadaneyso sidii dadkaasi deegaanka dhibaatada ku haya ay u soo afjari lahaayeen.

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde Oo Warbaahinta kula Hadley Magaalada Hargeysa ayaa Xaqiijiyey in Saddex qof oo cusub Qaba Xanuunka Coronavirus laga helay Gudaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Waxaa Uu sheegay in Dadkaasi laga Helay Caabuqa Covid-19 ay Laba qof joogaan Caasimadda Hargeysa Halka Hal qof-na Uu Joogo Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal.