Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Xaalufinta Lagu Hayo Deegaanka

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay ay habeen iyo maalinba dadaal ugu jiraan wacyigelinta dad ay sheegtay inay wadaan xaalufinta deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Sidoo kale waxaa ay tilmaantay in ay muddo qaadaneyso sidii dadkaasi deegaanka dhibaatada ku haya ay u soo afjari lahaayeen.

w

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare  iyada oo arrimahaasi ka hadlaysana waxaa ay tidhi “Anagu dhab ahaantii habeen iyo maalinba waanu wadna wacyigelintii dadkiina waxaa aanu u araggna kuwa iyaga laftoodu doonaya inay ka faa’ideystaan oo ka ganacsadaan oo dadka ka iibiyaan, laakiin hadii ay yaraato dhuxusha doonisteeda dhirtu waa ay badbaadeysa.

Waxaana jira dhir ILLAAHEY inagu maneystay oo aan laga faa’ideysan sida Garan-waaga oo kale, wacyigelintana waa aanu wadney ee wakhti uunbay qaadaneysa waala isla fahmi doonaa, hadaan bulshadeenu is badelina jiilasha danbe ee dhalanaya waxba uga tagi mayno”ayay tidhi  Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare

 

Category