Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargaysa(RH):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta furay shirweyne ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarashadda kaas oo lagaga arrinsanayay sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadda waxbarasho ee dalka ee sannad dugsiyeedka 2020-2021 maadaama uu saamayn ku yeeshay Xannuunka Coronavirus.Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Waxbarashadda,Maamuladda dawladaha hoose ee dalka iyo hay’ado caalami ah.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Axmed Abokor Maxamed ayaa she

Oodweyne(RH)wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga gobolka daad-madheedh ayaa hawlgalo ka fulisay gobolkaas degaano kamid ah, kuwaas oo degaamaysi sharci daro ah laga sameeyey.

Wasaaradda ayaa hawlgalkan samaysay iyada oo kaashanaysa ciidamada Booliska ee gobolka Daad-Madheedh, waxaanay gebi ahaanba baabi’isay berkado laga sameeyey dhul daaqsimeedyo dadka ka dhaxeeya oo ku yaalla gobolka Daad-madheedh.

Hargeysa(RH):-Dawladda Dalka Maraykanka ayaa ammaantay xidhiidhka Cusub ee dhexmaray dawladdaha Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha Amniga Qaranka ayaa soo si weyn u soo dhaweeyey galaangalka diblumaasiyadeed ee Tiawan ay ka bilowday Bariga Afrika gaar ahaana Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa(RH)Fadhigii 60aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa maanta lagaga hadlay xaalada guud ee amniga dalka, heerka xanuunka COVID-19 iyo halka uu marayo la dagaalankii lagu hayey Ayaxa ku habsaday qeybo ka mid ah Dalka.

Hargeysa(RH):-Xidhiidh Cusub oo diblumaasiyadeed ayaa ka dhexmarey Somaliland iyo Dalka Taiwan.

Xidhiidhkan Diblumaasiyadeed Ayaa ah mid muddo laga shaqanayey Waxayna Labada Dawladood ay si gaar gaar ah u shaaciyeen in Xidhiidhkan Cusub ee Somaliland iyo  Taiwan uu yahay mid laysku Afgartey in ay labada dal ay dhawaan Safaarado ka kala furan doonaan labada Caasimadood.