Qaar ka mid ah dhacdooyinka la diwaangaliyey ee dunida ka dhacay todobaadkan oo kale

RH. Kolding:  waa dhacdooyin laga yaabo qaar kamid ah in aad xasuusato oo dunida soo maray

1. **Oktoobar 9, 1989:** Kacaankii nabadeed ee Jarmalka Bari waxa uu bilaabmay ka dib markii ay kumanaan mudaaharaad ahi isugu soo baxeen magaalada Leipzig, kuwaas oo dalbanayay isbedel dimuqraadi ah. Dhacdadani waxay ka qayb qaadatay dumintii gidaarka Berlin iyo midawgii Jarmalka.

2. **Oktoobar 12, 2000:** Markabka USS Cole, oo ah nooca gantaalaha wax burburiya ee ciidamada badda ee Maraykanka, ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday dekedda Cadan ee dalka Yemen. 17 badmaaxiin ah ayaa ku dhintay, qaar kalena waa la dhaawacay.

3. **Oktoobar 8, 2005:** Dhulgariir aad u ba'an ayaa ku dhuftay waqooyiga Pakistan iyo Kashmir, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 73,000 oo qof iyo burbur baahsan.

4. . **Oktoobar 9, 2012:** Malala Yousafzai, oo u dhalatay Pakistan u dhaqdhaqaaqa waxbarashada dumarka, ahaana qofkii ugu da'da yaraa abid ee ku guulaysta abaalmarinta Nobel Prize, ayay Taliban madaxa ka toogteen xilli ay saarnayd bas iskuul. Way ka badbaaday weerarka, waxayna sii waday u doodista waxbarashada gabdhaha.

5. **Oktoobar 12, 2017:** Dabka ka kacay Waqooyiga California ee loo yaqaan Dab-baabka Wine Country, wuxuu noqday dabkii ugu khatarta badnaa  uguna khasaaraha xumaa taariikhda California, kaasoo geystay khasaare naf iyo maalba leh.

 

Category