Sawirro:Maxaa looga hadlayaa shirka golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdish?

MUQDISHO (RH)—Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb-galaya Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, iyo Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia laguma sheegin qodobada looga hadlayo shirka, balse warar ay heshay VOA ayaa sheegaya in arrimaha ugu weyn ee shirka ay ka mid mid tahay dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka.

Dagaalkan ayaa xooggiisa ka socda deegaanada maamul goboleedka HirShabeelle, balse waxaa yar dhaq-dhaqaaqyada maamul goboleedyada kale, waxaana jira isku day lagu ballaarinayo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay MuqdishShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay MuqdishShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdish
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdish

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdish

Category