Maxay yihiin kumaandooska lagu tababarayo Turkiga ee uu Xasan Sheekh ugu hanjabay Al-Shabaab?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xerada militeriga Isparta ee dalka Turkiga ku booqday ciidan Soomaali ah oo uu socdo tababarka xirfadaha kumaandooska.

Askartan oo ay carbinayaan macallimiin ka tirsan militeriga Turkiga ayaa marka ay qalinjebiyaan dib loogu celin doonaa Soomaaliya, iyagoo gacan ka gaysan doona buuxinta baahida ay dowladda u qabto awoodda militeriga.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidankan oo boqollaal askari ah u jeediyay khudbad uu ku guubaabinayay.

Madaxweynaha ayay hadalkiisa ka muuqatay in uu Al-Shabaab ugu gooddinayay kumaandooskan Turkiga lagu tababaray.

"Waxaan rabaa inaan idiin sheego, aniga iyo dowladda aan madaxda ka ahay markan waxaa naga go'an in anigoo idinkana idinku tiirsan, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaannna ku tiirsan, Allena ku tiirsan aan nimankaas dalka Soomaaliya ka saarno, kana baabi'inno," ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo si caro leh kor ugu hadlayay.

Maxay yihiin Kumaandooskan la sugayo

Maxay yihiin Kumaandooskan la sugayo

Dowladda Turkiga ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ku howlanayd mashruuc ay Soomaaliya ugu tababarayso ciidan isugu jira militeri iyo booliska sida militeriga u carbisan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday kumaandooska Soomaalida ah ee uu Turkigu tababarayo
XIGASHADA SAWIRKA,VS
Sidoo kale, ciidammada qaarkood ayaa tababarro dheeraad ah loo siinayay si ay u noqdaan militeriga loo yaqaanno Kumaandooska.

Dufcaddii ugu dambaysay kumaandooska ka tirsan ayaa qalinjebisay bishii March ee sanadkii 2021 halka koox kale oo ka kooban 150 askari durbadiiba loo qaaday Turkiga.

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya, Xasan Xuseen Aadan, iyo saraakiil kale ayaa xilligaas ku sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

"Waxaad usoo tababaranaysaan dadkiinna iyo dalkiinna Soomaaliya. Waxaad tihiin ciidamada qaranka. Waxaan rajaynayaa in aad soo laaban doontaan idinkoo aqoon iyo xirfad badan leh," ayuu wasiir Xasan ku yiri khudbaddiisa macsalaamaynta.

Xerada ay dowladda Turkiga ku tababarto ciidankan ee lagu magacaabo Isparta ayaa ku taalla magaalada Sparta ee ka tirsan gobolka koonfurta-galbeed ee Turkiga.

Waa meesha la geeyo ciidamada loogu talogalay la dagaallanka kooxaha argagixsada.

Marka ay tababarkooda soo dhammaystaan waxay ku biiraan garabka kumaandooska ee ciidanka caanka ah ee loo yaqaanno Gorgor, oo Turkiga uu ku tababaro gudaha Soomaaliya iyo waliba waddanka Turkiga.

Ankara ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn uga shaqeeya dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena ku taageera qalab dhammaystiran.

Bishii August ee sanadkii 2020-kii ayuu safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mehmet Yılmaz, sheegay in waddankiisa uu diyaar u yahay inuu tababaro saddex meelood hal meel oo ka mid ah ciidamada militeriga Soomaaliya.

Tiradaas ayaa qiyaas ahaan gaaraysa 15,000 ilaa 16,000 oo askari.

Ciidamada kale ee sida aadka ah loo yaqaanno ee kasoo baxa dugsiyada tababarka ee Turkiga waxaa ka mid ah guutada sida gaarka ah ee Haramcad.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga sii adkaanayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan booqasho taariikhi ah ku tagay Muqdisho sanadkii 2011-kii.

Waxay ahayd booqashadii ugu horraysay ee uu madaxweyne aan Afrika kasoo jeedin ku tagay Soomaaliya muddo 20 sano ah.

Turkiga ayaa hadda Muqdisho ku leh saldhiggiisa militeri ee ugu wayn ee uu ka samaystay meel ka baxsan waddankiisa. Saldhiggaas ayaa xarigga laga jaray sanadkii 2017-kii.

Isusoo dhawaanshaha labada waddan ayaa sii xoogaystay kaddib markii ay xukuumadda Ankara gurmad bani'aadannimo u samaysay dadkii ku waxyeelloobay musiibooyinkii abaaraha ee 2011-kii.

Xiggasho: BBC

Category