Shan sano ka dib qoyskii Cabaas Siraaji weli caddaalad ayay sugayaan

Muqdisho (RH)-Qoyska wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee Soomaaliya, marxuum Cabbaas Siraaji, ayaa sheegay in muddo shan sano ah kaddib dilka wiilkooda ay weli caddaalad sugayaan.

Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo ah abaaha dhalay marxuum Cabaas Siraaji ayaa sheegay in qoyska ninka dilka gaystay ay dhawaan u yimaadeen oo ay ka codsadeen in ay arrinta ka xaalaan, hasayeeshee uu sheegay inuu doonayo oo kaliya in ninkii dilka loo haystay lagu fuliyo xukunkii lagu riday, iyagana uusan waxba u haysan.

"Markii ay arrintaas ila yimaadeen waxaan ku iri waanba sabraye dhaawac ha igu cusbooneysiine ee hadaan wax qaban karo, mar hore baan ka daba tagi lahaa isagi ama aan fasixi lahaa marka aniga wax aan sameyn karo oo gacantayda ku jiraba ma jiraan, dowlad ayaa gacanta ku haysata xukunna wuu ku dhacay, waxaana sugaya un sida ay xukunka u fuliyaan ee wax kale oo waan-waan ah oo aan idinkala galaya ma jirto idinkana waxba idiin ma qabo," ayaan ku iri

Bartamihii bishii Juun ee 2017, ayey aheyd markii Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ay xukun dil ah dul dhigtay mid ka mid ah dadkii ku eedeysnaa dilka Cabaas Siraaji.

"Allaha u naxariisto wiilkaygii wuu dhintay, tan kale Alle unbaa cadaalad laga sugayaa ma ahane wax caddaalad ah oo ii muuqata malahan oo cid arrintiisa soo hadal qaadday ma jirto,"

Cabdullaahi sheekh ayaa sheegay in uu ka gaabsaday ka dib markii loo sheegay in ninkii dilay wiilkiisa dil lagu xukumay, uuna sugayo in xukunka lagu fuliyo.

"Weydiintii ugu horreysay ee lay weydiiyay waxay ahayd wiilkaaga waa dhintay ninkii dilayna waa la xukumay, wuxuuna sugayaa in xukunkii lagu fuliyo, intaas wax ka dheer oo iga soo gaartay dhankooda ma jirto anna waan ka gaabsaday oo waxaan ogaaday inaanan waxba ka qaban karin faraha ayaan ka qaaday," ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Wuxuu faahfaahin ka bixiyay sababta u udiiday inuu wadahadal la gala qoyska uu ka dhashay ninka lagu helay dilka marxuum Siraaji.

"Diyada waxaa loo qaataa dhib kale yuusan dhicin awgeed, sabeen xirkana waxaa loo qaataa ka hortagidda weerarka, wax weerar ah oo aan qaadayna ma jirto, weerar hadda ka dib aan qaadayo oo aan heleb meel u istaag aan leeyahyna ma jirto, nabaddiina gala, macsalaama cafis ayaa tihiin, haddii aad kala soo bixi kartaan xabsiga idinka ayay idiin taallaa balse aniga amarkayga laguma soo bixinaayo, oo waxaan dowladdii gacanta ku haysay ka sugayaa oo keliya sidi laygu fulin lahaa xukunkii ku dhacay, haddii aysan ku fulinin iyaga ayay u taallaa, haddii ay ku fuliyaan waa Alaxamdulillaah, intaasi ayaan isla gaarnay," ayuu sii raaciyay Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sido ee Soomaaliya ayaa isla sannadkii Cabaas la dilay xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysanayaashii loo heystay dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Marxuum Cabbaas Siraaji.

Gashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Darajada Kowaad ayaa xukunka dilka ku riday dable Ciidanka Xooga ka tirsanaa oo la yirahdo Axmed Cabdullahi Ceydiid.

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,PUNLAND POST

Qoraalka sawirka,

Axmed Cabdullahi Ceydiid

Maxkmadda ayaa markaasi sheegtay inay dhageysatay caddeymo ku filan oo muujinayo in Xasan uu toogasho ku dilay marxuun Siraaji 31-kii bishii May ee sanadkan.

Seddex Alifle Cusmaan Salaad Barre oo isna ahaa eedeysane kale ayay maxkamadda xukuntay in la sii daayo. Cusmaan iyo Xasan waxay ilaale u ahaayeen hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo isna xilkiisa ku waayay dhacdadaasi. Dilka Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirkii ugu da'da yaraa golaha wasiirada ayaa dhaliyay caro ballaaran.

Waxaa dilka marxuumka loo saaray guddi oo ilaa hadda aanan keenin wax cad oo kuu saabsan kiiska loo xil-saaray.

BBC-da oo Cabdullaahi weydiisay waxa haatan qorshihiisa yahay ayaa yiri: "Waxaa ii qorshe ah in wiilkaugii dhintay iyo kii la yirahday waxbuu dilay meel aysan isku seegeeynin ayaa jirto oo aysan jirin cid lagaga gacan sarreynayo oo ah Ilaahay wajigiisa ayay ku xisaabtamayaan, aniga sabar unbuu Ilaahay i faray waana ku sabarsanahay awooddiisa."

Taariikh nololeedkii Cabaas oo kooban

Image removed.

XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

  • Wuxuu ku dhashay Afmadow 1985
  • Waxaa Dhadhaab loola qaxay 1992
  • Dugsiga sare ayuu Dhadhaab kaga dhameeyay 2005
  • Jaamacad ayuu Nairobi ka billaabay 2007
  • Dalka ayuu dib ugu laabtay 2011

Xiggasho: BBC

Category