Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay xilli xaaladda doorashada guddoonka Golaha shacabka ay kacsantahay

Muqdisho (RH)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee xafiiska ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.

Imaanshaha ra'iisal wasaaraha ayaa ku soo beegsantay iyadoo maanta loo madlan yahay in guddoonka golaha shacabka lagu doorto teendhada Afisyoni ayaa waxa tan iyo xalay soo baxay arrimo dhowr ah oo caqabad ku noqon karo doorashadaas.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa isku mari la' cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada.

Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonaya in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya.

Xiggasho: BBC

Category