Xukuumada Somaliland Oo Dhiirigalin U Samaynaysa Dadka Araga  Naafada ka Ah

Gabiley(RH):-Xukuumada Somaliland  ayaa bilowday dhiirigalin ay u samaynayso dadka araga ka naafada ka ah ee nool gudaha Somaliland .

Wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, gaar ahaana  xafiiska qurbe-joogta ayaa daah-furtey Barnaamij iyo Safar Halku-dhig looga dhigay safarka rajo-gelinta dadka araga naafada ka ah kuwaasi oo safaro kala duwan ku maridoona gobolada dalka .

 

Dhalinyradan Araga naafada ka ah ee safarkan lagu ibo-furey ayaa tiro ahaan dhan  22 xubnood, waxayna safarkooda ka bilaabeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Dhalinyradan Araga naafada ka ah ayaa waxaa si diiran loogu soodhaweeyey Magaalada Gabiley iyagoo uga sii gudbi doona magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Fihiima Maxamed Aar Iyo Canab Maxamed Cali (Canab Riyo Raac) Oo Ka Mid ah Hablaha Qurba Joogta Somaliland Ee Dalka Maraykanka ayaa wasaaradda arrimaha dibada Somaliland uga mahadeceliyay siday u u dhiirigelinayo dadka araga naafada ka ah iyo wada shaqaynta dhaw ee ay la leedahay qurba-joogta reer Somaliland ee ku nool wadamada dibada.

 

Geestoodana qaar ka mida xubnahaas araga naafada ka ah ee gobolada dalka qaarkood socdaalka dhiiregelinta ku maraya ayaa u mahadceliyay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland iyo qurba joogta Somaliland ee socdaalkaas sida wada jirka ah iskaga kaashaday, waxaanay xuseen in tallaabadaasi tahay mid dhiirigelin doonta dadka araga naafada ka ah.

Ugu dambayn Agaasimaha waaxda xidhiidhka qurba-joogta Somaliland Xasan Af-gaab ayaa wuxuu u mahadceliyay qaar ka mida hablaha qurba-joogta ee Somaliland, kuwaas oo kaalin ku lahaa sidii uu u qabsoomi lahaa socdaalkaas ay xubnahaas araga naafada ka ahi ku marayaan qaar ka mida gobolda dalka.

 

Category