Xildhibaanada Golaha Guurtida Jsl Oo Bookhday Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada gudida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta kulan saacado badan qaatey oo Warbaahinta kala duwan ee Somaliland dibad joog ka ahayd la yeeshay masuuliyiinta Xarunta Dhaqanka Hargeysa.

guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac ayaa sheegay in mudanayaasha golahaasi guurtidu ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan xarunta dhaqanka waxay u igman tahay iyo waxay qabataba, waxaanu tilmaamay gudoomiyuhu in ay gudidaasi ka wado hadleen waxyaabihii gudidaasi ay wax ka weydiiyeen, halka uu sidoo kalena uu xusay gudoomiyuhu in ay mudanayaasha gudida joogtada ah golaha guurtida ay wado yeelan doonaan kulano dambe maalmaha soo socda.

Ugu dambayn gudoomiyaha guddi hoosaadka gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Dayib Xasan Axmed oo ka warbixinaayey kulankaasi ay la yeesheen masuuliyiinta xarunta dhaqanka Hargeysa ayaa sheegay in arrimihii ay kala kulmeen xaruntaas ay warbixinteeda dib ugu celin doonaan golaha guurtida Somaliland.

Bookhashadan ay maanta Xildhibanada gudida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ku tageen xarunta dhaqanka Hargeysa ayaa ka dambaysay ka dib markii qaar ka mid ah bulshada kala duwan ee Somaliland  gaar ahaana culimo u diinku ay si yaaba kala duwan ay mudooyinkii u dambeeyey u dhaliilayeen xarunta dhaqanka Hargeysa

 

Category