Shirka Gorfaynta Siyaasada Maaraynta Lacagaha Naqadka ah  iyo Hagaha Habraaca Kharash-Bixinta Dowladda Oo ka Furmey Hargeysa

Hargaysa(RH):-Waxaa Magaalada Hargeysa ka furmey Shirka Gorfaynta Siyaasada Maaraynta Lacagaha Naqadka ah  iyo Hagaha Habraaca Kharash-Bixinta Dowladda 

shirkan oo socon doona mudo laba cisho ah ayaa waxaa si rasmi ah u furey Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md. Muuse Ibraahim Salaf waxaana mudada uu socdo  lagu gorfayn doonaa arimahan:

1) Siyaasada Maaraynta Lacagaha Naqadka ah

2) Hagaha Kharash-Bixinta Dowladda

3) Habraaca shaqo ee Xisaabaadka iyo Maaraynta Maaliyadda Dowladda iyo  waliba Sumadaha xisaabaadka.

Kulan-hawleedkan oo ay ka soo qayb-galeen saraakiil ka kala socday Xisaabaadka guud, Waaxda Miisaaniyada, Hanti-Dhawrka Guud, Hanti-Dhawrka Gudaha Wasaaradda H. Maaliyadda, Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ee ku shaqada leh, waxana kalmadahoodii furitaanka ka jeediyey madasha Wasiir-Xgeenka Maaliyadda Md. Muuse Ibraahin Selef,  Xidhiidhiyaha Mashruuca dib-u- habaynta maamulka maaliyadda ee PFM Xasan Faarax Maxamed iyo Ku-Xigeenka Xisaabiyaha Guud Kayse Maxamed Cabdilaahi, iyagoo dhamaan carabka ku adkeeyey muhiimada ay leedahay hawshani is la jeerkaasna lagama maarmaan ay tahay in si wax ku ool nimo leh looga baaraandego.

Ugu danbayna, Barnaamijkan Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda JSL ayaa mudadii uu socday wax weyn ka qabtay banaan-yaalnimada iyo isla xisaabtanka iyadoo ay maanta dhamaan Hay’addaha Dowladdu u adeegsadaan kharash-bixinta hab casri ah oo is-wada is la markaana online ah, taas oo u sahlaysa Hay’addaha Baadhistu inay si fudud ula socan karaan dhaqdhaqaaqooda.

 

Category