Shirkii wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka oo la soo xiray iyo Heshiis la gaaray

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad lagu soo gunaanadayo shirka wadatashiga qaran ee maalmii la soo dhaafay uga socday raysal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul goballeedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhinacyadan ayaa saxiixay heshiis ay ka gaareen arrimaha doorashooyinka oo khilaaf weyn uu ka taagnaa.

Waxaa xafladda xiritaanka shirka ku sugan muxaafid iyo mucaarad, waxaana la filayaa in uu soo xiro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa ka socday xaruntii horre ee ciidamada cirka ee Afisyooni, waxaana ka qeybgalay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa war-murtiyeed ka hor akhriyay madaxda hortooda.

Madaxweynayaashii horre ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Axmed ayaa munaasabadda ka qeybgalay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category