Abwaan Sooraan oo Geeriyooday

Burco (RH)-Magaalada Burco ee gobalka Togdheer waxaa ku geeriyooday Alle ha u naxariisto jilaaga caanka ah Ibraahim Ismaacil Sugulle oo caan ku ahaa Sooraan.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu u dhintay xanuunka COVID19 oo maalmahan uu la daala dhacayay.

Marxuumka ayaa caan ka ahaa dhulka Soomaalida oo dhan, waxaana uu fankiisa ka soo billaabay magaalada Burco halkaasoo uu ku dhintay.

Wareysi uu horrey u siiyay telefishanka HornCable ayuu ku sheegay in uu horrey uga soo qeyb qaatay riwaayado caan ah sida Yaa u walqalay waqtiga,isagoo ka ahaa Jilaa.

Abwaan Sooraan ayaa ku dhashay magaalada Burco, isagoo sidoo kale tegey magaalada Muqdisho, waxaana fanka uugalay sannadkii 1979-kii, isagoo ka mid noqday kooxda Durdur.

Sooraan wuxuu ahaa abwaan hal abuure ah, wuxuu kaloo ahaa madadaaliye xirfadiisu sarayso.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category