Shirka Madaxda Soomaalida oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (RH) —Magaalada Dhuusamareeb ee xarrunta maamulka Galmudug, waxaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah uga furmay shirka wadastashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, maamul goballeedyada iyo duqa Muqdisho.

Shirka oo lagu waday in uu furmo kowdii bishan uuna soo xirmo seddaxda oo maanta ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin sidii xal loogu heli lahaa is-mari waaga ka taagan qabashada doorashooyinka Soomaaliya, arrinta Gedo iyo soo xulista xubnaha ka immaanaya goballeedyada Waqooyi.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galaya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirkan ayaa imanaya ayada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin guddiyada doorasho ee dowladda ay soo magacowday, iyo ciidanka dowladda ee jooga gobolka Gedo, oo Jubaland ay shuruud uga dhigtay inay ka baxaan halkaas inay doorasho qabato.

Madaxweyne Farmaajo

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Dhuusmareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shirka uu ku soo aadayaa iyadoo waqtii loo ballamay in la qabto doorashada baarlamaanka la dhaafay ayna soo dhowdahay xilligii la qaban lahaa doorashada oo ku beegan sideeda bishan Febraayo.

Ma cadda in shirkan ay ku heshiin doonaan madaxda ka qeybgalaysa iyo in kale, laakin waa shir ay indhaha shacabka Soomaaliya, mucaaraadka iyo beesha caalamka ay si dhow ula socdaan waxa ka soo baxa.

Madaxweynaha JubbalandMadaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category