Garabka mucaaradka ee siyaasiyiinta gobalada waqooyi oo qaadacey shirka Dhuuso-mareeb.

RH: Shir jaraaid oo ay qabteen maanta ayey qodobadan kaga hadleen 

Waxey soo bandhigeen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1: In Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu sirasmi ah ugu wargeliyay Madaxda Heer Federaal & Heer dowlad goboleed in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay doonayaan iney kasoo qeyb galaan shirka , balse Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu u sheegay in uusan kujirin Madaxda lagu casuumay shirkaas.

2: in ay si adag u diidan yihiin in aan loo dhameyn ka qeyb-galka shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka maqan tahay matalaada gobolada Waqooyi e (Somaliland).

3: in Madaxda shireysa, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in la isugu yimaado shirweyne Qaran

Intaas kadib gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan loo dhameyn shirka ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuusan wali aqoonsaneyn Aqalka Sare kaas oo dhex-dhexaad ka ah siyaasadda dalka.

Category