Dowladda oo ka hadashay dil Muqdisho loogu geestay guddoomiye Degmo

Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa hey'addaha ammaanka faray in ay in baaritaan rasmi ah oo dhammeestiran ku sameeyeen dil xaley magaalada Muqdisho loogu geestay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Raysal wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska iyo asxaabtii uu ka baxay, Cabdixakiin Dhagajuun oo ku geeriyooday howgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Raysal wasaaraha ayaa falkaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Saraakiil ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa mar sii horreysay warbaahinta maxalliga ah u sheegay in guddoomiyaha degmada Hodan iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhinteen is rasaaseen dhex martay ilaaladiisa iyo askar ku sugnaa saldhigga degmada Hodan.

Guddoomiyaha la dilay ayaa isla shaley ka soo laabtay dalka Turkiga, halkaasoo loo geeyay dhaawac ka soo gaaray qarax bishii November ka dhacay magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa qoraal uu soo dhigay shaley bartiisa Facebook ku sheegay in uu dib dalka ugu soo laabtay uuna diyaar u yahay inuu u shaqeeyo shacabka degmada Hodan, waxaana isla shaley uu ka qeybgalay kulan dhex maray madaxda maamullada degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Dilka guddoomiyaha degmada Hodan, ayaa aad looga naxay, waxaana uu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka mid ah kuwa ugu firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu wax ku bartay magaalada Muqdisho, iyadoo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay daganayeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo masuuliyiinta maamulka dowladda Hoose ayaa ka tacsiyeeyay dilka marxuumka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category