Madaxweynaha Kenya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya oo xariga ka jiray xarun cusub oo la isaga tallaabo

Nairobi (RH)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta iyo ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiy Abiy Axmed ayaa maanta waxa ay si wadajir ah xarriga uga jareen waddo isku xireysa magaalooyinka Mooyaale illa iyo Hawaasa iyo xarrunta baaritaanka marka la isaga gudbayo labada magaale.

Wadadan la furay ayaa waxa ay gaareysaa illaa 500km sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee KBC.

Labada hoggaamiye ayaa intii ay joogeen wadadda waxa ay sidoo kale ka hadleen ammaanka xududaha labada waddan sidii wadajir loola dagaallami lahaa Al-Shabaab.

Dhismaha wadaddan ayaa waxaa ku baxay adduun lacageed 1.8milyan oo dollar, waxaana waddadan ay ku xireysaa magaalooyinka Addis Ababa, Qaahira, Cape Town iyo Mombasa.

Wadaddan ayaa sidoo kale la sheegay in ay Itoobiya u adeegsan doonto wax yaabaha ay soo dhoofsato iyo waxa ay dhoofiso gaar ahaan alaabaha loo wado labada waddan.

Sidoo kale, waxaa waddadan adeegsan doonta dowladda Suudaanta Koonfureed oo alaabo uu uga soo dego dekedda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wadadda laga furay Kenya iyo Itoobiya

Wadaddan ayaa horrey u burbursaneed, waxaana ay ahayd mid ciriiri ah, laakin hadda waa la dhisay waana la ballaariyay sida ay ku soo warramayaan saxafiyiinta joogay daahfurka.

Dhaqaalaha ku baxay wadaddan ayaa waxaa bixiyay bangiga horumarinta Afrika, waana ammaan muddo

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu

Category