Koox Soomaali ah oo la shaaciyey inay hubka u kala gudbiyaan Iran iyo Yemen

 Warbixino cusub oo soo baxaya ayaa sheegaya in koox Soomaali ah ay ka shaqeyso kala gudbinta hubka ka yimaada Iran ee la geeyo Yemen, waxaana la mariyaa qeybo ka mid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Arintaan ayaa soo baxday kadib markii la qabtay markab la sheegay inuu dalka Iran kasoo daabulay hub loo waday kooxda Xuutiyiinta ee ka dagallama dalka Yemen.

Warbixin uu diyaariyay ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo The Global Intiative ayaa lagu sheegay xogtaan cusub, waana koox ku hawlan ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ee uu fadhigoodu yahay Soomaaliya

Bartamahii sanadkaan ayey aheyd markii markab magaciisa lagu sheegay AL Bar 2 ay qabteen ciidamada badda Sacuudiga, waxaana la sheegay inuu siday shixnad hub ah oo uu kusii jeeday kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen.

Qoraal ay soo saareen ururka Global Initiative ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyay markabka Al Bar 2 lagu ogaaday in koox Soomaali ah ay gacan ka geysato hubka sharci darrada ah ee ka yimaada Iran loona gudbiyo maleeshiyaadka Yemen ka dagallama.

Warbixintaan waxey sidoo kale iftiimisay in hogaamiyaha kooxdaan uu xiriri la leeyahay kooxda Al-Qaacida eek u fiday dunida iyo sidoo kale kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Yemen.

Mareykanka wuxuu durba arintaas darteed u iftiiminayaa in lagu saxnaa cunaqabateyntii hubka ee la saaray Iran, dhibaato bandanna ay ka dhex abuurayaan caalamka.

Category