Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday Jigjiga

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarrunta dowlad deeganka Soomaalida, Itoobiya waxaa ku dhintay Cali Khaliif Galayr oo horrey u soo noqday ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Khaatuma.

Marxuumka lama sheegin wax xanuun ah oo uu geeriyooday, waxaana dad ehel ay yihiin ay sheegeen in uu saaka si nabad ah ku soo kacay oo uu caafimqaaday.

Geeridiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay mid degdeg ah.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliya, waxaana doorweyn uu ka soo qaatay in dadka Soomaalida ah gaaraan dawladnimo ay ku qanacsan yihiin.

Waxa uu ka mid ahaa dadkii soo dhigay dowlanimada markii dalka uu burburay 1991-dii.

Waxa uu ahaa shakhsi kolka uu hadlo sida ugu habboon, ugu aftahansan, ugu quruxda badan u sheegi jirey sida ay la tahay, isaga oo madalba hadalka ay leedahay in uu ku sugo lagu yaqaannay. 

Marxuumka sidoo kale wuxuu ahaa aqoonyahan ,siyaasi rug cadaa ah ,Af maal & dhaqan yaqaan

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category