Taliska Ciidanka Qaranka Ee Gobolka Sanaag Oo Ka Xog-Waramay Xaalada Nabadgalyo Ee Deegaanka Fadhi-gaab

Ceerigaabo(RH):-Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Gobolka Sanaag Ayaa Ka Hadlay Xaalada Nabadgelyo Ee Gobolkaas, siiba ta degaanka Fadhi-gaab oo dhawaan ay ka dhaceen colaado dhibaato gaystay.

Sareeye Guuto Muuse Jaamac  Dalaf Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sannaag oo warbaahinta kula hadlaayay magaalda Ceerigaabo, ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee degaanka Fadhi-gaab ay gacanta ku hayaan ciidanka qaranka Somaliland, taliyuhu wuxuu intaas ku daray in degaanadaas ay ciidanka qaranku ka fuliyeen hawl-galo lagu sugaayo ammaanka nabadgelyaduna hadda tahay mid sugan.

Taliye Muuse Jaamac Dalaf taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sannaag wuxuu sheegay iyagoo fulinaaya markii madaxweynaha in cidii lago arko iyagoo degaandaas dhaq-dhaqaaq colaadeed ka wada ay ciidamda qaranku talaabo ku haboon ka qaadi doonaan, taliye Muuse Dalaf wuxuu xusay in ciidanka qaranku aanay ogolayn cid magaalada dhexdeeda hub ku sidata. Ugu dambayn taliyaha ciidanku waxa uu shacabka ku nool gaobolka Sanaag u soo jeediyay in ciidamada qaranka ay gacan ku siiyaan ilaalinta nabadgelyada, isla markaana ay xoojiyaan midnimada iyo wada-Dhalashada

 

Category