Doorashooyinkii Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland Oo Dib U Dhacay iyo Sababta

Hargeysa(RH)Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhacayso doorashada golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo lagu waday inay dalka ka qabsoonto 29-ka bisha March ee sannadka 2019-ka.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa, waxayna ka hadleen caqabadaha ka hor yimid ee sababay dib u dhaca doorashada oo ay ka mid yihiin:

  1. Xeerarka Doorashooyinka;-Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu kaabis ku sameeyey bishii May 2018, Xeerarkii Doorashooyinka, kadib markuu la tashaday daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha doorashooyinka. Xeerarkaas oo aan weli la ansixin oo ilaa maanta horyaala Golaha Wakiillada
  2. Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada;Sida laga warqabo waxa mudo dheer caqabad ku ahaa qabsoomida Doorashooyinka Golaha Wakiillada arrinta Saami Qaybsiga Gobolada oo ilaa maanta aan xal loo helin.
  3. Wadashaqayn la’aanta Xisbiga Waddani; Xisbiga Waddani wuxu bishii March 2018 ku dhawaaqay in uu joojiyey wadashaqayntii u la lahaa komishanka doorashooyinka qaranka taas oo ilaa hadda taagan.

4.Is-faham la’aanta xisbiyada;Waxa jiray dedaallo ay wadeen xisbiyada Qaranku oo ay doonayeen inay kaga wada-hadlaan arrimaha Doorashooyinka, ilaa haddana aan dhamaystirmin.

  1. Miisaaniyada Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka ;Xukuumada Somaliland waxay bixisay qayb kamid ah miisaaniyadii, lakiin markii uu abuurmay jawiga aanu kor ku soo sheegnay waxa adkaatay in la wada helo dhammaan miisaaniyadii doorashooyinka oo qayb ka mid ah ay bixin jireen qaadhaan-bixiyayaashu.

Sida uu dhigaayo xeerka Doorashooyinka Xeer Lr. 20/2001 Qodobka 9aad faqrada 2aad wuxu komishanka doorashooyinka qaranka ku waajibinaya “inay cayimaan wakhtiga Doorashada 120 Cisho ka hor wakhtiga Doorashadu dhacayso, Madaxweynuhuna waa inu 15 malmood gudahood ku soo saara wareegto qabsoomida Doorashada”.

Sida xeerku dhigayo waa in koomishanka doorashooyinka qaranku cayimo qabsoomida doorashada 29-ka November 2018, isla markaana Madaxweynuhuna wareegto ku soo saaro ugu dambayn 13-ka Dec 2018.

Sidaa darteed, waxay komishanka doorashooyinku caddeeyeen duruufaha jira awgeed in aanay doorashooyinku ku qabsoomi karin wakhtigii loo cayimay ee ku beegna 29ka March 2019.

 

Category