Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo beeniyay Rooble iyo Kenyatta in ay ka hadleen arrinta Badda

Nairobi (RH)-Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo galabta shir jara’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa beeniyay wararka sheegaya in kulankii ra'iisall wasaare Rooble uu la yeeshay madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ee ka dhacay Mombasa aan looga hadlin kiiska badda.

Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu sheegay kulanka inuu ahaa mid looga wada hadlayay sidii Soomaaliya iyo Kenya usoo wada ceshan lahaayeen xiriirkoodii ganacsi, amni iyo isku socodka.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan kulankaas looga hadlin ama lagusoo hadal qaadinba arrimaha aad welwelka ka muujinaysaan ee badda,” ayuu yiri wasiirka arrimahada dibadda Soomaaliya.

Wasiirka oo la weydiiyay in laga wada hadlay arrimaha Qaadka, ayaa sheegay in si guud looga wada hadlay soo celinta xiriirka ganacsi ee labada dal islamarkaana uu jiro guddi farsamo oo loo xil saarayo in ay ka shaqeeyaan soo celinta wada shaqaynta labada dal.

Wuxuu wasiirku sheegay in ay kulamadu weli socdaan islamarkaana ay dowladda Soomaaliya doonayso in kulamada dambe ee looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal ka dhacaan gudaha Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo, warbaahinta madaxtooyada Kenya ayaa shalay qortay in kulankii Uhuru Kenyatta iyo raysal wasaare Rooble looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin muranka xagga badda, inkastoo markii dambe laga saaray qoraalka arrinta badda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category